Home » Horyaalada » La Liga Spain » Fernando Torres Oo Aan Weli Iloobin Waqtigii Wacnaa Ee Uu La Qaatay Steven Gerrard

Fernando Torres Oo Aan Weli Iloobin Waqtigii Wacnaa Ee Uu La Qaatay Steven Gerrard


Steven-Gerrard-Fernando-Torres-2008-Liverpool_3113342

Weeraryahanka reer Spain Fernando Torres ayaa sheegay in laacibkii ugu wanaagsanaa ee uu ebid kubada cagta la cayaaray inuu yaha kabtankiisii hore Steven Gerrard.

Fernando Torres oo ka hadlaayo waqtigii wacnaa ee uu Gerrard lasoo qaatay wuxuu yiri “Steven waa xidig ka sareeyo dhamaan xidigaha kale sidoo kale waa kabtankeyga ee aan iloobi karin xiligii wacnaa aan isla soo qaadanay”

Inkastoo Torres uu waqti lasoo qeebsaday dhanka xulka Spain xidigaha kala ah Xavi iyo Andres Iniesta hadana Torres ayaa sheegay in Steven uu yahay laacibkii ugu wanaagsanaa ee uu ebid kubada cagta la cayaaray.

Dhanka kale Torres ayaa ka xun in Steven Gerrard uu xili cayaareedkan Liverpool isaga tagi doono asigoo koob la’aan ah.

“Waa arin ceeb weyn ah in Steven uu Anfield ka tagi doono asigoo gacmo maran wuxuuna u qalmay in xili cayaareedkan koob muhiim ah lagu sagootiyo”

Ugu dambeyntii Torres ayaa sheegay in Liverpool ay ku qaldan tahay go’aanka Gerrard lagu fasaxay wuxuuna ka dhawaajiyay in xidigan uu sanado badan sii cayaari karo sidoo kalena uu wacdaro ka dhigi doono MSL-ka Mareekanka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>