Home » Maxaa Cusub » Fernando Torres Oo Ka Hadlay Wixii Uu Ka Dhaxlay 7-sano Ee Uu Dalka England Ku Sugnaa

Fernando Torres Oo Ka Hadlay Wixii Uu Ka Dhaxlay 7-sano Ee Uu Dalka England Ku Sugnaa


Torres

Fernando Torres oo haatan ka tirsan kooxda AC Milan ayaa ka hadlay waqtigii uu kusoo qaatay horyaalka England iyo waaya aragnimada uu ka kororsaday mudo 7-sano ah oo uu EPL ku dhex sugnaa.

Weeraryahanka reer Spain ayaa ka dhawaajiyay inuu horyaalka England yahay midka aduunka ugu wanaagsan wuxuuna yiri “EPL waa horyaalka aduunka ugu xiisaha badan sidoo kalena waa horyaal tayadiisa aad u sareyso”

“Kooxaha reer England waxay yaqaaniin sida cayaartooyda loo soo iibsado iyo sida loo fasaxo waxaana waqti aad u wanaagsan kusoo qaatay garoonka Anfield”

“Madaama aan 7-sano dalka England joogay waxaan dareemay in lasoo gaaray xiligii aan isbadal sameyn lahaa waxaana ku faraxsanahay ka mid ahaanshaha AC Milan madaama aan ku raaxeesanaayo nolosha garoonka San Serio”

Torres xagaagii 2007 ayuu Liverpool kusoo biiray kadib markii uu mudo 4-sano ah wuxuu sanadii 2011 £50m ku aaday naadiga Chelsea balse 3-sano oo heer hoose ah ayuu Chelsea la qaatay haatana wuxuu doonayaa inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato Serie A-da dalka Talyaaniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>