Home » Latin America » FIFA Oo Xaqiijisay In Luis Suarez Oo Cayaaraha Caalamiga Ah Ka Ganaaxnaan Doono Ilaa Bilawga Sanadka 2016

FIFA Oo Xaqiijisay In Luis Suarez Oo Cayaaraha Caalamiga Ah Ka Ganaaxnaan Doono Ilaa Bilawga Sanadka 2016


Luis Suarez

Weeraryahanka kooxda Barcelona Luis Suarez uma safan doono xulkiisa Uruguay tan iyo bilawga sanadka 2016 waana sida rasmiga ah oo sheegtay FIFA.

Suarez waxay FIFA sanadkii hore ku ganaaxday qaniinyadii waalida ahay ee uu kula kacay daafaca reer Talyaani Giorgio Chiellini kulan ka tirsanaa koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Brazil xagaagii dhawaa.

Luis Suarez ayaa warqad rasmi ah u diray xiriirka kubada cagta aduunka si cafis loogu fidiyo sidoo kalena uu xulkiisa Uruguay u cayaaro inta lagu guda jiro sanadkan 2015.

FIFA ayaa ka diiday codsiga Suarez oo ahaa in ganaaxa dul saaray laga qafiifiyay waxaana xidigan loo sheegay in sanadka cusub 2016 ka hor uusan xulkiisa Uruguay u cayaari karin.

Suarez xulkiisa Uruguay ganaax dartiisa ayuu tartankii Copa America kala qayb qaadan waayay midaasna waxay sababtay in Uruguay ay xili hore tartankan ka haraan.

Haatana bilaha ka harsan sanadkan 2015 kulamada muhiimka ah ee xulkiisa Uruguay cayaari doonaan uma safan doono.

Suarez kaliya Barcelona ayuu u safan karaaa dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay in codsigiisa ay FIFA aqbali weyso gaar ahaan gudiga anshaxa iyo asluub wanaaga qaabilsan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>