Daafaca xulka Brazil iyo kooxda Chelsea Filipe Luis ayaa dhawaan la xariiray saaxiibkiis Miranda oo ka tirsan naadiga Atletico Madrid wuxuuna u sheegay inuu jeclaan lahaa kusoo laabashada Atletico hadii ay u suura galeyso.
Inkastoo Filipe Luis uu kulamo muhiim ah Chelsea u cayaaray xili cayaareedkan hadana daafacan weli ma heesto kalsoonida macalin Jose Mourinho madaama inta badan laga hormariyo Cesar Azpilicueta.
Sidaa darteed Luis ayaa la xariiray saaxiibkiis Miranda oo weli Atletico ka tirsan wuxuuna u sheegay inuusan ku faraxsanayn joogitaanka London sidoo kalena uu jeclaan lahaa inuu Atletico kusoo laabto si uu marwalbo joogto garoomada kaga soo muuqdo.
Wargeska AS ayaa qoray in Felipe Luis uusan ku qanscan inuu kursiga keydka Blues fadhiyo wuxuuna fiirin doonaa suurta galnimada uu xagaaga dambe dib ugu laaban karo kooxdiisii hore Atletico Madrid.
29-jirkan wuxuu ku kalsoon yahay inuu dib usoo celin karo xiriirkii bur burka ku yimid madaama uu kooxdiisii hore si fool xun uu kaga soo tagay sidoo kalena uu iska diiday xagaagii hore inuu Atletico heshiis cusub u saxiixo.
Balse weli wuxuu si joogto ah ula xariiraa qaar ka mid ah xidigaha Atletico wuxuuna aaminsan yahay inuu markale la shaqeyn karo tababare Diego Simeone oo Atletico ka dhigay mid ka mid ah kooxaha aduunka ugu awooda badan.