Home » Horyaalada » italian Serie A » Fiorentina Oo Dooneyso Inay Ciro Immobile Kusoo Celiso Serie A-da Talyaaniga

Fiorentina Oo Dooneyso Inay Ciro Immobile Kusoo Celiso Serie A-da Talyaaniga


Ciro Immobile

Weeraryahanka xulka Italy Ciro Immobile oo ay u suura gali weesay inuu xili cayaareedkan wacdaro ka dhigo Bundesligaha Jarmalka kadib markii ay kooxda Dortmund lacago badan kusoo qaadatay bilawgii xili cayaareedkan.

Ayaa doonayo inuu dib ugu laabto Serie A-da Talyaaniga wuxuuna dalab wanaagsan ka helay kooxda Fiorentina oo iyadana qaati ka taagan dhaawaca joogtada ah ee uu ka bixi la’yahay Mario Gomez.

Ciro Immobile xili cayaareedkii hore gool dhalinta Serie A-da ayuu ku guuleestay sidoo kalena kooxdiisii hore Torino safka hore ee horyaalka ayuu keenay.

Balse wuxuu ku biiray kooxda Dortmund asigoo rajo wanaagsan ka qabay inuu isbadal fiican sameyn karo asigoo ku kalsoonaa inuu hormuud ka noqon karo kooxda reer Jarmal.

Balse weeraryahankan wuxuu ku guul dareestay inuu garoonka Signal Iduna Park kusoo kordhiyo awood dheeraad ah haatana wuxuu lumiyay booskii joogtada ahaa ee uu ku lahaa kooxdiisa Dortmund.

Wararka qaar ayaa sheegayo in kooxda Dortmund ay diyaar u tahay inay dhigeeda Fiorentina ka iibiso Ciro Immobile balse marka uu xili cayaareedkan dhamaado ayay dooneysaa kaliya inay wada hadalo la furto kooxda reer Talyaaniga.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>