Jurgen Klopp ayaa isaga tagaya kooxda Borrusia Dortmund sida shalayto shir jaraa’id lagu xaqiijiyay waxaana la burburiyay heshiis socon lahaa ilaa Juner 2018 oo uu kooxda kula jiray, waxaana soo idlaaday 7-sano oo uu maamulayay kooxda ka dhisan Signal Iduna Park.
Dortmund xili ciyaareedkaan wey liidataa waxeyna u dagaalami doontaa iney tartamada yurub kasoo muqato iyadoo haatan fadhisa booska 10-aad ee horyaalka.
Hadaba sida ay tilmaamayaan saxaafada kubada cagta, firxad ayaa ka dhici doona Signal Iduna Park waxaana ka tagi doona kooxda xidigo muhiim ah oo hal lug ku taagnaa.
Sida la saadaalinayo Shan xidig ayaa loo maleynayaa iney boorsada ka xirxiran doonaan Dortmund marka uu dhamaado xagaagan.
Pierre-Emerick Aubameyang
Da’da: 25
Booska: Weerar
Heshiiska: June 2018
Lala Xiriirinayo: AC Milan, Arsenal, Liverpool
Qiimaha: £30million
Ilkay Gundogan
Da’da: 24
Booska: Khadka Dhexe
Heshiiska: June 2016
Lala Xiriirinayo: Arsenal, Barcelona, Manchester City, Manchester United
Qiimaha: £20million
Mats Hummels
Da’da: 26
Booska: Daafac Dhexe
Heshiiska: June 2017
Lala Xiriirinayo: Arsenal, Chelsea, Manchester United
Qiimaha: £30million
Henrikh Mkhitaryan
Da’da: 26
Booska: Khadka Dhexe
Heshiiska: June 2017
Lala Xiriirinayo: Liverpool
Qiimaha: £20million
Marco Reus
Da’da: 25
Booska: Garabka Weerarka
Heshiiska: June 2019
Lala Xiriirinayo: Chelsea, Manchester United, Real Madrid
Qiimaha: £40million
Hadaba saadaasha ugu badan 60% xidigaha Dortmund waxey ku biirayaan midkood kooxaha lala xiriirinayo ee ka dhisan qaarada yurub, waana hubaal in Dortmund ay dhiman doonto hadaan la helin duul badbaadiya.
mahad
17-April-2015 at 9:30 am
Man United halasoo.
Wareegto. Keliya
marcos rous iyo hummels
mahad angal
17-April-2015 at 9:31 am
Man United halasoo.
Wareegto. Keliya
marcos rous iyo hummels