Juan Cuadrado joogis uma taalo magaalada London madaama uu ku fashilmay xidigan inuu kooxdiisa Chelsea la qabsado.
Sidaa darteed Daily Star ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea ay haatan wada hadalo la wado naadiga Atletico Madrid madaama uu xidigan aqbalay inuu La Ligaha Spain u dhaqaaqo.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Atletico Madrid ay Juan Cuadrado ku qaadan doonto £24.5m waana qiimahii ay bilawgii sanadkan Blues naadiga Fiorentina kaga soo iibsatay.
Cuadrado kaliya 12-kulan ayuu Chelsea u saftay tan iyo bilawgii sanadkan wuxuuna xidigan awoodi waayay inuu la qabsado kubada laga cayaaro Premiership-ka England.
Taasina waxay sabatay inuu kalsoonida macalin Jose Mourinho lumiyay haatana mustaqbalkiisa cayaareed La Ligaha Spain ayuu kasii wadan doonaa.
Kooxda Atletico Madrid ayaa u aragto Juan Cuadrado iuu booska Arda Turan buuxin karo madaama uu Turan naadiga Barcelona si rasmi ah ugu biiray.
Juan Cuadrado oo 27-jir ah sidoo kale dalabyo kala duwan wuxuu ka helay naadiyada AS Roma iyo Inter Milan balse labadan koox waxay awoodi waayeen inay bixiyaan qiimaha ay Chelsea xidigan ka tirsan xulka Colomka ku dooneyso.