Mario Balotelli ayaa lagu wadaa inuu xagaagan Serie A-da Talyaaniga dib ugu laabto madaama uusan heesanin kalsooni uu kooxdiisa Liverpool kaga sii mid ahaado.
Sidaa darteed Mirror ayaa shaaca ka qaaday in Super Mario uu haatan kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Sampadoria oo diyaar ula ah boos joogto ah.
Wargeska Corriere dello Sport ayaa sheegay in wakiilka Balotelli uu haatan dalka Talyaaniga ku sugan yahay sidoo kalena wada hadalo wanaagsan kula jiro Sampadoria.
24-jirkan xili cayaareedkii hore Liverpool ayaa kusoo qaadatay £16million balse waxba kama aysan faa’iidin wuxuuna ka mid noqday xidigaha sida weyn loogu qasaaray xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday.
Super Mario Talyaaniga xili wanaagsan ayuu kooxda AC Milan kula soo qaatay wuxuuna u dhaliyay mudadii uu la joogay 30-gool asigoo u saftay 54-kulan.
Xidigan hoos u dhaca weyn ku habsaday hal caqabad ayaa ka hor istaagi karto inuu kooxda Sampadoria ku biiro madaama uu xidigan haatan Liverpool sanad walbo ka qaato £4million.
Sidaa darteed Sampadoria waxay dooneysaa inay amaah ku qaadato Balotelli sidoo kalena ay kala bar mushaarkiisa kooxda Liverpool bixiso waana arin sababi karo inuu bur buro qorshaha ay Balotelli kooxdan ku qaadan rabto.