Home » Horyaalada » La Liga Spain » “Florentino Perez Waa Cunsuri Aan Jecleyn Saxiixyada Cayaartooyda Madowga Ah” Hadaba Hadalkaas Yuu Kasoo Yeeray!!

“Florentino Perez Waa Cunsuri Aan Jecleyn Saxiixyada Cayaartooyda Madowga Ah” Hadaba Hadalkaas Yuu Kasoo Yeeray!!


perez

Gudoomiyaha kooxda Real Madrid sanado badan ayuu dhaliilo kala duwan la kulmay balse Florentino Perez midaan oo kale ma uusan maqlin waligiis.

Perez markaas wuxuu dhaliil culus kala kulmay Santos Marquez oo ah wakiilka goolhaye Iker Casillas oo ku tilmaamay gudoomiye Perez inuu cunsuri yahay.

Santos Marquez wuxuu sheegay in gudoomiye Perez uu cayaartooyda kala jecel yahay sidoo kalena kuwa madowga ah uusan u ogoleyn kooxda Real Madrid baaqi ku ahaanin.

Wakiilka Casillas ayaa sheegay in Claude Makelele iyo Samuel Eto’o midibkooda madowga ah kooxda looga racadeeyay uuna arinkaas ka dambeeyay gudoomiye Perez!

Wuxuuna Santoz Marquez yiri “Arinkan wuxu kasoo bilaawday Makelele oo si xushmad daro ku dheehan kooxda looga diray”

“Perez ma ahan cunsuri balse waa nin jecel inuu xuquuqda cayaartooyda ku tunto waxaana u arkay arinkaan marar badan”

“Sidoo kalena waxaan kula dagaalay arinkii Samuel Eto’o waayo xidigan asigoo dhalin yar midibkiisa madowga ah ayuu ku calfan waayay inuu Real Madrid kaga mid ahaado!”

Sidoo kale wakiilka Casillas ayaa sheegay in Perez uu kooxda shaqsiyaad badan rabitaankiisa kaga diyar sida macalin Del Bosque, Gonzalo Higuain, Angel Di Maria iyo kuwo kale.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>