Kubad qaabeeyaha kooxda Bayern Munich oo inta badan xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday dhaawac ku dhameestay ayaa weli dhibaatoonayo.
Qorshaha wuxuu ahaa Franck Ribery inuu tababarka Bayern Munich soo xaadiro 1-bisha July ee nagu soo fool leh balse haatan waxaa la sheegay in xidigan soo laabashadiisa dib u dhac dheeraad ah ku timid.
Ribery tan iyo 11-bishii Maarso kubada ma uusan laadin wuxuuna la daala dhacayay dhibaato dhanka qoobka ah inkastoo aan qaliin looga sameyn sidoo kalena la filaayay inuu xanuunkan ka gudbi karo hadana Ribery xanuun cusub ayuu sheegtay.
Sidaa darteed dib u dhac ayaa ku imaan doono xiligii uu garoomada kusoo laaban lahaa waana aqbaar aan u wanaagsaneyn kooxda Bayern Munich iyo macalin Pep Guardiola.
Agaasimaha guud ee kooxda Bayern Munich Matthias Sammer ayaa sheegay inay xidiga reer France garab taagan yihiin wuxuuna yiri “Waan ku taageeri doonaa Franck xaalada uu mari doono iyo daaweynta cusub ee loo sameyn doono madaama uu muhiim inoo yahay”
32-jirkan 12-bilood ee ugu dambeesay dhaawac ayaa daba dhagtay haatana todobaadyo dheeri ah ayuu garoomada ka maqnaan doonaa midaas oo niyad jab dheeri ah ku keeni doonto Franck Ribery.