Garabka Bayern Munich Franck Ribery ayaa kusii dhawaanaya inuu garoomada dib ugu soo laabto kadib dhaawac dhanka jilibka ah oo uu mudooyinkii ugu dambeeyay kaga maqnaa kooxdiisa.
Ribery ayaa kaliya hal kulan u saftay kooxdiisa xili ciyaareedkaan cusub madama ay dhibaato kala soo daristay dhanka jilibka.
31-jirkaan reer France ayaa sidoo kale dhaawacaan dartiis kaga haray xulkii France ee koobka Aduunka 2014 kusoo haray wareega Quater Finalka, balse haatan tababarka ayuu dib ugus oo laabtay kooxdiisa.
Sidoo kale Bayern ayaa wali tabeysa Bastian Schweinsteiger, Thiago Alcantara, Javi Martinez iyo Holger Badstuber kuwaas oo wali dhaawac ka ah kooxda.
Ugu dambeyntii kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola waxey fadhisaa halka ugu sareysa horyaalka iyadoo 7-kulan oo ay ciyaartay shaqeysatay 17-dhibcood waxeyna horyaalka ku horkaceysaa 4-dhibcood.
DAAWO TABABARKII UGU DAMBEEYAY RIBERY EE QAASKA AHAA: