Hadal heynta ugu weyn horyaalka Ingiriiska xagaagan ayaa noqotay in goolhaye Petr Cech uu ku biiro kooxda Arsenal ee ka dhisan waqooyiga London.
Kadib markii uu boos joogto ah ka waayay kooxda ka dhisan galbeedka London ayuu go’aansaday goolhayaha xulka Czech Republic inuu ku biiro cadawga Blues ee Arsenal waxeyna halyeeyo badan u arkeen in Arsenal ay tahay haatan koox u tartami karta hanashada horyaalka madama ay heshay goolhaye heer sare ah.
Frank Lampard oo ay Petr Cech isla soo joogeen Stamford Bridge mudo 10-sano ah ayaa qiray in Arsenal ay tahay haatan koox u tartami karta hanashada horyaalka.
“Arsenal waxey la saxiixatay Petr Cech waana saxiix weyn” Ayuu yiri Frank Lampard oo la hadlayay The Sun.
“Cech waa goolhaye heer caalami ah waana shaqsi ka caawin kara in Arsenal ay mudo badan kadib ku guuleysato horyaalka Ingiriiska” Ayuu yiri mar kale.
Si kastaba goolhaye Petr Cech ayaa ah halyeey ku gaamuray qabashada goolka wuxuuna xidigaan sanadii 2004 yimid Premier League-ga isagoo markaas Chelsea kaga soo biiray Rennes oo france ka dhisan.
Ugu dambeyntiina xagaagan ayuu 11 Malyan Oo Pound ugu wareegay Arsenal waxaana loo balan qaaday boos joogto ah taasoo ka dhigan in Gunners ay ka xoogeysatay boosaska dambe.