Home » Maxaa Cusub » Frank Lampard Oo Doonayo Inuu Dib Ugu Laabto Kooxdiisa New York FC Hadaba Maxay Tahay Sababa!

Frank Lampard Oo Doonayo Inuu Dib Ugu Laabto Kooxdiisa New York FC Hadaba Maxay Tahay Sababa!


lampard

Waaya araga reer England Frank Lampard go’aankiisa ayuu badalay wuxuuna diyaar u yahay inuu garoonka Etihad isaga hayaamo labo todobaad kadib.

Halka uu markii hore qorshaha ahaa inuu laacibkan City lasii joogo inta ka harsan xili cayaareedkan madaama uu Man City si fiican u caawiyay bilawgii xili cayaareedkan.

Hadaba Daily Mail ayaa sheegay in Frank Lampard uusan ku qanacsaneyn doorkiisa Man City madaama sanadkan 2015 uusan kulamo badan kooxdiisa u cayaarin sidoo kalena haata aan loo arkin laacib saameyn ku leh garoonka Etihad.

Guud ahaan 30-kulan ayuu Lampard Man City u cayaaray xili cayaareedan dhaman tartamada kala duwan balse sanadkan 2015 inta badan waxaa cayaarta lasoo galiya ayadoo 10-daqiiqo ka harsan tahay.

Sidaa darteed xidigan oo ka careesan xaqiraada uu kala kulmay macalinkiisa Manuel Pelligrini ayaa doonayo inuu bishan Maarso marka ay dhamaato dib ugu laabto kooxdiisa New York FC.

Madaama MSL-ka Mareekanka uu suuqooda furnaan doono ilaa bisha May xaq ayuu u leeyahay xidigan inuu kooxdiisa dib ugu laabto wuxuuna halkaas ka heli karaa inuu todobaad walbo cayaaro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>