Home » Horyaalada » Bundesliga » Franz Beckenbauer “Waxaan Rajeynaa In Pep Guardiola Uu Bayern Munich Lasii Joogi Doono”

Franz Beckenbauer “Waxaan Rajeynaa In Pep Guardiola Uu Bayern Munich Lasii Joogi Doono”


beckenbauer-guardiola490epa

Gudoomiye sharafeedka kooxda Bayern Munich Franz Beckenbauer ayaa ka dhawaajiyay in macalin Pep Guardiola uu kooxda reer Jarmal lasii joogi doono sidoo kalena uu tixgalin doono heshiiska uu haatan garoonka Allianz Arena ku joogo.

Franz Beckenbauer ayaa ka warqabo arimaha ka taagan gudaha Bayern iyo saxaafada Jarmalka oo afka ku heyso in Guardiola uu xilka Bayern iska dhiibi doono marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Wuxuuna yiri “Uma maleynayo in Guardiola uu Bayern isaga tagi doono xagaagan waayo aadbuu u jecel yahay magaalada Munich”

“Sidoo kalena waxaan ka rajeynaa inuu tixgalin doono heshiiska uu Bayern kula jiro kaasi oo ku eg sanada 2016″

Franz Beckenbauer ayaa sidoo kale ka hadlay shaqsiga uu aaminsan yahay inuu Guardiola badali karo mustaqbalka dhow wuxuuna yiri.

“Markii aan gudoomiyaha kooxda ahaan waxaan marar badan isku soo qaadnay inaan Jurgen Klopp kooxda macalin kaga dhigno”

“Sidaa darteed booska Guardiola waxaa buuxin karo Klopp oo ah macalin qabiir ah kuna haboon hogaaminta Bayern Munich”

“Balse waxaan jeclaan lahaa inuu sanado badan Guardiola nala sii joogo inkastoo go’aanka u dambeeyo uu isaga leeyahay waxaana marwalbo ila wanaagsan inaa Klopp xooga saarno sidii kooxda loogu dhiibi lahaa”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>