Home » Horyaalada » La Liga Spain » Gareth Bale Oo Doonayo Xili Cayaareedka Dambe Inuu Real Madrid Boos Cusub Kaga Cayaaro

Gareth Bale Oo Doonayo Xili Cayaareedka Dambe Inuu Real Madrid Boos Cusub Kaga Cayaaro


Gareth Bale

Xidiga reer Wales Gareth Bale ayaa doonayo inuu xili cayaareedka dambe kooxdiisa Real Madrid boos cusub kaga cayaaro sidoo kalena uu isbadal la imaado.

Bale ayaa doonayo inuu ka faa’iideesto xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay macalin Rafeal Benitez wuxuuna tababarahan ka qal qaalsan doonaa in xili cayaareedka dambe lambarka 10-aad laga cayaarsiiyo.

Bale ayaa dhibsaday garabka bidix ee uu labadii sano ee ugu dambeesay Madrid kaga cayaarayay wuxuuna doonayaa inuu hor mariyo kubadiisa sidoo kalena uu dhalin dheeri ah la imaado.

Hadaba hadalka kasoo yeeray Bale ayaa la sheegay inay dhibsadeen xidigaha kala ah Karim Benzema, James Rodriguez iyo Isco.

Waayo macalin Benitez wuxuu horey u sheegay in Cristiano Ronaldo uu lambarka 9-aad ka cayaarsiin doono haatana Bale ayaa rabo lambarka 10-aad.

Sidaa darteed Karim Benzema, James Rodriguez iyo Isco boosaska ay Madrid ka cayaaraan halis weyn ayay gali doonaan.

Warbixintan ayaa si gaar ah loogu sheegay in Karim Benzema mustaqbalkiisa cayaareed uusan fadhinin sidoo kalena siweyn loo sadaalinaayo in xagaagan ay Real Madrid xidigan iska iibin doonto.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>