Halyeeygii hore ee kooxda Man United Gary Neville haatana ah qabiir kubada cagta ka faaloodoo ayaa niyada u dhisay kooxdiisa kadib markii uu soo jeediyay qaabka ay xili cayaareedka dambe horyaalka ku qaadi karto.
Gary Neville ayaa aaminsanin awooda Man United haatan kala dhiman tahay loona baahan yahay inay xagaagan saxiixyo mhiim ah sameyso si ay xili cayaareedka dambe ugu guuleesto Premiership-ka England.
Gary Neville wuxuu yiri “Mar hore ayay Man United bilaawday saxiixyo inay sameyso haatan Depay ayay heshiis la gaartay waana tilaabo wanaagsan”
“Hadii aan xiligan fiirino guud ahaan cayaartoyda Man United heesato heer ahaan mala tartami karto Chelsea oo horyaalka ku guuleesatay”
“Sidaa darteed waa muhiim in xagaagan macalin Luis Van Gaal uu sameeyo saxiixyo tayo wanaagsan ee awooda kooxda sare u qaadi karaan”
“Waxaan dhihi karaa sedex aa afar cayaaryahan oo tayo ahaan aad u sareeyaan ayay Man United u baahan tahay markaas kadib waan hubaa inay xili cayaareedka dambe ku guuleesan karto Premiership-ka”