Daley Blind xagaagan ayuu kooxda Man United kusoo biiray wuxuuna xidiga reer Holland isaga soo hayaamay naadiga Ajax si uu kaga hoos cayaaro macalin Luis Van Gaal oo ay xulka Holland ka wada shaqeeyeen sanadihii ugu dambeeyay.
Inkastoo xidigan uu si wanaagsan ula qabsaday Man United sidoo kalena uu khadka dhexe kooxdan kaga cayaaro hadana qaab cayaareedkiisa waxaa si gaar ah ugu kuur galyay halyee Gary Neville oo ah shaqsi ugu awooda badan dalka England marka ay timaado adeegsiga saxaafada wuxuuna yiri.
“Blind waa laacib aad u wanaagsan sidoo kalena Man United la qabsaday balse dhaliil weyn ayaan u hayaa taasi oo ah in xidigan uusan kubada horey u wadi karin mana ku wanaagsan inuu weerar sameeyo”
“Inta badan baasas aan loo baahneyn ayuu sameeyaa wuxuuna kubada la cayaaraa kaliya daafaca Man United iyo xidigaha heerahiisa taagan mana ahan mid wanaagsan”
“Blind waxaa laga rabaa inuu hore u socod sameyn karo oo uu kubada ku dhaqaaqi karo sidoo kalena uu gaarsiin karo saaxiibadiisa weerarka kaga cayaaraan Man United”
Daley Blind iyo kooxdiisa Man United 10-kulan oo ay haateen cayaareen EPL waxay aruursadeen 13-dhibcood sidoo kalena waa hoos u dhacii ugu xumaa oo ay Man United ku bilaawdo horyaalka England mudo 28-sano kadib!