Halyeega kooxda Man United Gary Neville haatana ah shaqsi cayaaraha ka faaloodoo ayaa hilfaha u qaaday kooxda Liverpool wuxuuna ku tilmaamay naadi aan cayaartooydeeda ceshan Karin.
Gary Neville ayaa qabo fikrada ah in Liverpool ayaa lagu tilmaami karin naadi weyn madaama sanad walbo xidigii usoo caan baxo ay kooxaha reer Yurub iyo kuwa gudaha England saxiixiisa ku dagaalamaan.
Wuxuuna Gary Neville soo hadal qaaday Raheem Sterling oo dhawaan iska diiday inuu Liverpool heshiis cusub u saxiixo.
Gary Neville wuxuu yiri “Ma arko Liverpool-tii aan aqiinay taasi oo ahayd naadi kooxaha Yurub usoo dhawaan karin”
“Haatan Reds waxay isku badashay naadi laga dukaameesto sidoo kalena sanad walbo xidigii usoo caan baxo ayadoo waxba ka qaban karin ayaa laga qaataa”
“Waxaan doonayaa Liverpool inay markale noqoto naadi awood badan oo kooba muhiim ah ku guuleesan karto waayo Reds waa koox kubada cagta England aysan ka maarmin”
“Laakiin waan ka xumahay in sanadihii ugu dambeeyay garoonka Anfield hormar balaaran lagu arkin midaas ayaana sabab u ah in xidigaheeda muhiimka ah ay kooxaha kale damac ka galo”
“Waa muhiim in Anfield ka hormariyo lagana dhigo garoon caalami ah si ay Liverpool usoo jiidato xidigo heer caalami ah waana ku kalsoonahay inay midaas mustaqbalka dhow dhici doonto”