Home » Horyaalada » La Liga Spain » Gerard Pique “Barcelona Waa Laga Dareemi Doonaa Hadii Ay Fasaxdo Pedro Xagaagan”

Gerard Pique “Barcelona Waa Laga Dareemi Doonaa Hadii Ay Fasaxdo Pedro Xagaagan”


Gerard Pique

Daafaca reer Spain Gerard Pique ayaa ka hadlay muhiimada uu u leeyahay Pedro Rodriquez inuu xagaagan kusii sugnaado garoonka Camp Nou.

Pedro waxaa siweyn loo hadal hayaa inay 22-milyan oo pound ku qaadan doonto Man United oo booska Angel Di Maria galin doonto.

Balse Gerard Pique ayaa ka hadmay muhiimada iyo saameynta uu Pedro kooxdiisa ku leeyahay wuxuuna yiri “Barcelona waa laga dareemi doonaa hadii fasaxdo Pedro xagaagan waayo waa xidig tayo wanaagsan waxbadana kooxda ka caawiyo marwalbo”

“Pedro xaaladiisa waa mid dhib badan waayo sedexda weeraryahan ee aduunka ugu wanaagsan Messi, Neymar iyo Suarez ayaa ka horeeyaan”

“Lakiin hadii uu Pedro naga tago daciifno dheeri ah ayaa naga muuqan doonto waayo marka uu garoonka ku jiro wax badan ayuu kooxda u faa’iideeyaa sidoo kalena culees badan ayuu naga qaadaa”

Pedro oo 27-jir ah dhawaan wuxuu sheegay inuu aduunka ugu jecel yahay kooxdiisa Barcelona balse uu ku qasban yahay inuu mustaqbalkiisa cayaareed bad baadiyo.

Wuxuuna xidigan doonayaa inuu sanadka dambe xagaagiisa 2016 xulka Spain kala qayb qaato tartanka Euro 2016 ee lagu qaban doono dalka France.

Waxayna kooxda Man United weeraryahankan u balan qaaday boos joogto ah midaas uu u sahli karto inuu waxqabadkiisa wanaagsan si joogto ah usoo bandhigo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>