Kulankii lagu kulmiyay halyeeyo ka mid ah kuwii kubada cagta soo maray iyo kuwa haatanba aduunka uu meel dhexe u marayo ayaa kusoo idlaaday garoonka Anfield Road ee gobolka Merseyside.
Dabcan wuxuu ahaa kulan sadaqo loogu aruurinayay dadka ku dhibaateysan gobolka Merseyside waxaana soo qaban-qaabiyay hay’adda la dagaalanka faqriga ee Liverpool.
Sidoo kale kulankaan wuxuu xambaarsanaa qiiro gooni ah madama uu sagootin u ahaa kabtan Steven Gerrard, waxaana isku wajahay kabtan G iyo Jamie Carragher.
Midna guusha ma raacin waxeyna ciyaarta ku dhamaatay 2 – 2 barbaro ah, qeybtii hore ciyaarta ayeyna dhasheen badi goolasha.
Mario Balotelli ayaa bilaabay bandhiga goolasha kulankaan kaas oo ka tirsanaa kooxda Jamie Carragher wuxuuna shabaqa dhex dhigay kubad aad u culus daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta.
Mar kale Jamie Carragher ayaa kooxdiisa ay heshay gool labaad waxaana si qurux badan goolka ula tiigsaday Didier Drogba oo si xirfadeysan ugu gooyay goolhaye Jones daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta.
Daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta ayey heleen kooxda Gerrard gool rajo soo celin ah markii uu rigoore u dhameestiray isla Kabtan Gerrard.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1, qeybtii dambe waxaa garoon ku kulmay Suarez iyo Torres kuwaas oo aan nasiib u yeelan iney waligood ku wada ciyaaraan Anfield xili ay soo wada mareen kooxda Liverpool.
Steven Gerrard ayaa si qurux badan mar kale u dhameestiray rigoore lagu abaalmariyay isagoo barbaro ka dhigay ciyaarta daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta.
Ugu dambeyntiina labada halyeey ayaa ku kala baxay barbaro iyadoon cidna guusha aysan qaadan waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday si xamasad leh.