Halyeeyada Ingiriiska ee Frank Lampard iyo Steven Gerrard ayaa lagu daray xul laga soo xulay xidigaha ka xamaasha horyaalka mareykanka ee MLS-ka, xili Frank Lampard uusan wali safan kulankiisii ugu horeeyay horyaalkaas.
Labadaan halyeey ayaa xagaagii dhamaaday soo macsalaameeyay horyaalka Ingiriiska oo ay mudo ku sugnaayeen waxeyna waayo iyo waqti cusub ka bilaabeen horyaalka Mareykanka.
Steven Gerrard wuxuu nasiib u yeeshay inuu 45-daqiiqo ciyaaro ka hor inta aan lagu darin kooxdaan, wuxuuna kasoo muuqday kulan ay kooxdiisa dhawaan 2-1 ku dubatay Club America.
Jamaahiirta ayaa u codeeyay 11-ka xidig ee ay jeclaan lahayeen in laga horgeeyo Tottenham Hotspur 29-ka July.
Kooxda la ciyaareysa Spurs waxaa ka mid ah xidigii hore Barcelona David Villa, Michael Bradley iyo Obafemi Martins oo isna ah xidig horay usoo maray kooxo dhowr ah oo yurub ah.