Kabtan Steven Gerrard kulankiisii ugu dambeeyay Premiership-ka England wuxuu noqday mid uusan rabin in markale dib loo xasuusiyo waayo kooxda Liverpool waxay guuldaro culus kala kulantay naadiga Stoke City.
Stoke City waxay kulankan guusha ku qaadatay 6-1 taasi oo ka dhigan in Gerrard iyo kooxdiisa nus darsin goolal ah dhabarka loo saariyay.
Weliba qaybtii hore ayaa kooxda Liverpool la kala dariyay madaama laga dhaliyay 5-gool oo xariir ah waxaana ka dhaliyeen M. Diouf daqiiqadaha (22-aad & 26-aad), Walters daqiiqadii 30-aad Charlie Adams daqiiqadii daqiiqada 41-aad iyo S. N’Zonzi daqiiqadii 45-aad.
Macalin Rodgers iyo kooxdiisa waxaa ku dhacay jab taariikhi ah markii la isku soo laabtay goolka calanka Liverpool waxaa u dhaliyay kabtan Gerrard daqiiqadii 70-aad.
Balse Petr Crouch ayaa Liverpool ka dhaliyay goolkii 6-aad daqiiqadii 85-aad wuxuuna noqday kulankan mid kooxda Stoke City qaas u ah.
Liverpool si fool xun ayay xili cayaaredkan ku dhameesatay haatana macalin Brendan Rodgers waxaa kusoo kordhay cadaadis xoogan madaama Liverpool nus darsin goolal ah looga badiyay.
Sidoo kale Liverpool kaalinta 6-aad ayay ku dhameesatay waxaana booska 5-aad kala wareegtay naadiga Tottenham hadaba maamulka Liverpool markale macalin Rodgers mala soo laaban doonaan xili cayaareedka dambe ama isbadal ayay kooxda ku sameyn doonaan!!
L B N
24-May-2015 at 7:18 pm
ani wx ila fcn in maclinka livelpool la raacdeeyo oo kloop loo dhiibo
L B N
24-May-2015 at 7:19 pm
ani wxa ila fcn in maclink la eryo loo na dhiwo jord kloop wayo maclink talo ma haayo