Kulan xiiso badan oo looga dan leeyahaay lacaga kasoo baxo in sadaqo ahaan loo bixiyo ayaa maanta ka dhici doono garoonka Anfield ee kooxda Liverpool ku cayaarto.
Kulankan labada dhinac waxaa kala hogaamin doonaan kabtan Steven Gerrard iyo ruug cadaa Jamie Carragher waxayna kala xiran doonaan labo kabtan.
Sidoo kale xidigo kubada cagta maqaam sare ku leh ayaa lagu martiqaaday waxaana la xaqiijiyay inay maanta kulankan ka qayb qaadan doonaan.
Waxayna yihiin laacibiinta Anfield kasoo muuqaan doonaan John Arne Riise, Luis Suarez, Fernando Torres, Pepe Reina, Dirk Kuyt, John Terry, Xabi Alonso, Thierry Henry, Didier Drogba iyo kuwo kale.
Sidoo kale xidigaha ka tirsan kooxda Liverpool ee aan ka qayb qaadanayn kulamada xulalka aduunka cayaarayaan iyagana kulanka galabta way ka qayb qaadan doonaan.
Kulankan waxaa qaban qaabiyeen gudiga gurmadka iyo gaarka sadaqo bixinta naadiga Liverpool waxaana lacagaha kasoo xaroodaan garoonka Anfield la siin doonaa caruurta dhibaateesan ee gobolka Merseyside ku sugan.
WAQTIGA IYO MEESHA AAD KA DAWAN KARTO:
4:45 galabnimo Liverpool All Star – Charity Match Steven Gerrard Vs Jamie Carragher Live SS3
Abdirahman Aden
29-March-2015 at 11:50 am
#HIILKUBAD.COM wxy ahayd inad time ka kuso qortaan….wxn ubahanahay goorta ay bilabmayso ciyarto..in badan ayan sugaynay.. ciyartan halyeyadi hore ee liverpool aa ku kulmidona WHyWHYWY…