Wariyaha caanka ah ee reer talyaani Gianluca Di Marzio ayaa website-kiisa gaarka ah ku xaqiijiyay in Juventus ay gabi ahaanba soo dhameysay heshiiska Sami Khedira.
Khedira wuu ka gudbay tijaabadii caafimaad wuxuuna diyaar u yahay inuu cutubka xiga ee noloshiisa kubada cagta ka bilaabo Serie A-da talyaaniga balse waxaa kaliya dhiman in lagu dhawaqo heshiiskiisa.
Warbixino hore ayaa sheegayay in xidigaan uu Juventus caafimaadka ugu maray magaalada Madrid iyadoo si xor ah kula waregeysa wuxuuna qaadan doonaa sanadii 4 Malyan Oo Euro wuxuuna kooxdaan la galay heshiis dhan 3-sanadood.
Si Kastaba maalmaha soo aadan ayaa la rajeynayaa in kooxdan uu maamulo Massimiliano Allegri ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa Khedira inkastoo ay shalayto ku dhawaaqday saxiixa Paulo Dybala oo ay kala soo wareegeen Palermo