Nasiib laawe Giorgio Chiellin ayaa calaf weyn u yeelan waayay dhacda Sports ee uu cayaaryahan walbo ku riyoodo inuu maalin un kasoo muuqdo.
Daafacan xulka Italy ka tirsan dhaawac soo gaaray ayaa sababay inuu seego Finalaha koobka horyaalada Yurub ee caawo kooxdiisa Juventus magaalada Berlin kula cayaari doonto naadiga Barcelona.
Hadaba Giorgio Chiellin ayaa ka mid noqday 10-ka xidig ee caalamka magaca ku leh kuwaas oo Finalaha Champion-ka ku seegeen siyaabo kala duwan waxayna kala yihiin:
1) John Terry (Chelsea): 2012 ayuu seegay
2) Franco Baresi (AC Milan): 1994 ayuu seegay
3) Dani Alves (Barcelona): 2009 ayuu seegay
4) Lionel Messi (Barcelona): 2006 ayuu seegay
5) Pavel Nedved (Juventus): 2003 ayuu seegay
6) Xabi Alonso (Real Madrid): 2014 ayuu seegay
7) Franck Ribery (Bayern Munich): 2010 ayuu seegay
8) Ze Roberto (Bayer Leverkusen): 2002 ayuu seegay
9) Roy Keane (Manchester United): 1999 ayuu seegay
10) Paul Scholes (Manchester United): 1999 ayuu seegay