Daafaca waaya araga ah ee kooxda Juventus sida weyn ugu tiirsan tahay Giorgio Chiellini ayaa waxaa soo gaaray dhaawac lama filan ah kaasi oo ku qasbay inuu tababarka kooxdiisa isaga baxo.
30-jirkan jug ayaa dhanka qoobka ah kasoo gaartay xili uu tababarka kooxdiisa ku jiray waxaana haatan cabsi laga qabaa inuu Finalaha Champion-ka seego ayadoo kooxdiisa sabtiga nagu soo fool leh la cayaari doonto naadiga Barcelona.
30-jirkan ayaa laf dhabar u ah Juventus madaama uu kulan walbo oo Champion-ka ah uu xili cayaareedkan cayaaray sidaa darteed dhaawacan cusub ee soo gaaray waa mid Juve aad u cabsi galiyay.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xarunta Juve ayaa lagu sheegay in Giorgio Chiellini tababarka kooxda uu isaga baxay kadib markii uu dhaawac dhanka qoobka ah soo gaaray.
Macalin Massimiliano Allegri inkastoo uu dhaawaca daafacan ka naxsan yahay hadana wuxuu ku farxay in Andrea Barzagli uu tababar buuxdo Juve la qaatay sidoo kalena kasoo kabtay dhaawacii uu qabay.
Hadaba wixii kasoo kordho xaalada Giorgio Chiellini iyo waxa kasoo kordho dib ayaan idinkala socod siin doonaa.