Home » Maxaa Cusub » Glen Johnson Oo Doonaya Inuu U Dagaalmo Booskiisa Liverpool, Xili Juventus Lala Xiriirinayo

Glen Johnson Oo Doonaya Inuu U Dagaalmo Booskiisa Liverpool, Xili Juventus Lala Xiriirinayo


Johnson

Daafaca Midig ee kooxda Liverpool iyo Xulka England Glen Johnson ayaa badalay maankiisa kadib markii uu ka dhawaajiyay inuu u dagaalami doono booskiisa kooxda iyadoo lala xiriirinayay inuu sanadka soo aadan isaga tago kooxda ka dhisan gobolka Mereyside-ka.

Johnson ayaa la hadal hayay inuu isaga tago kooxda Liverpool madama uu dhamaadka xili ciyaareedkaan dhacayo heshiiska uu kooxda kula joogo waxaana lala xiriiriyay in badan kooxda heysata horyaalka talyaaniga ee Juventus.

Si kastaba Johnson oo dhaawac kaga maqnaa kooxda Liverpool ayaa doonaya inuu booska kala baxo Manquillo oo dagay booskiisa isla markaana lagu amaanay qaabka uu ula qabsaday kooxda isagoo kooxda dhawaan si amaah ah kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain.

“Caafimadkeyga wuu soo wanaagsananayaa, waxaan u baahanhahay waqti aan ku ciyaaro” Ayuu yiri Johnson.

“Waxaan dareemayaa si wanaagsan waxaana tijaabo ku maray Melwood Training anigoo ciyaaray 90-daqiiqo mana dareemin wax dhibaato ah” Ayuu yiri mar kale Johnson oo badal ku yimid kulankii ay kooxdiisa sida dhibka badan kaga badisay West Brom isbuucii ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska.

Ugu dambeyntii Glen Johnson ayaa u saftay kooxdiisa in ka badan 170-kulan, kooxdiisa Liverpool tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Portsmouth sanadii 2009.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>