Home » Maxaa Cusub » Glen Johnson Oo Furka Tuurtay: “Liverpool Kama Baryi Doono Heshiis Cusub”

Glen Johnson Oo Furka Tuurtay: “Liverpool Kama Baryi Doono Heshiis Cusub”


FBL-WC2014-ENG-DEN-TRAINING

Daafaca Midig ee kooxda Liverpool ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arimaha la xiriira mustaqbalkiisa iyo in kooxdiisa aysan dooneyn iney sii heysato xidigaan heerka caalami.

Glen Johnson haatan waa 30-jir wuxuuna sanadii 2009 kusoo biiray kooxda Liverpool inkastoo haatan kooxda ka dhisan gobolka Merseyside aysan diyaar u aheyn iney xidigaan heshiis cusub ka saxiixdo walow heshiiskiisa uu dhacayo June 2015.

Si Kastaba Glen wuxuu dalabyo ka helayaa kooxaha Roma iyo Juventus ee ka dhisan horyaalka talyaaniga inkastoo todobaadkaan uu goolka guusha u dhaliyay kooxdiisa markii ay qaabileen Stoke City.

“Ma doonayo inaan qofna u guguurto, wey ogyahiin halka aan joogo iyo xaalada sida ay tahay” Ayuu yiri Glen Johnson.

“Waan ku raaxeystay waqtigeyga halkaan, waxaan joogaa ugu badnaan lix sano, waxaana isoo maray waqti fiican iyo mid xun, waan ku raaxeystaa kubada, balse hadii aanan helin heshiis cusub ma sii joogi doono halkaan”

“Waxaan doonayaa inaan xushmeeyo heshiiskeyga, taasina waa mida aan diyaarka u ahay inaan sameeyo” Ayuu hadalkiisa kusoo koobay Golen Johnson.

Ugu dambeyntii xidigii hore kooxaha Chelsea iyo Portsmouth ayaa soo idleeyay jaceylkiisa wuxuuna qiray inuu isaga tagi doono kooxda hadii aysan ku abaalmarin heshiis cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>