Home » Europe » Champions League » Goal.com: “Lionel Messi & Manuel Neuer Kaliya Ayaa Qatar Ku Galin Kara CR7 Abaalmarinta Ballon d’Or”

Goal.com: “Lionel Messi & Manuel Neuer Kaliya Ayaa Qatar Ku Galin Kara CR7 Abaalmarinta Ballon d’Or”


Messi

Sida lagu ogaaday codeyn ay sameysay shabakadda Goal.com, kaliya ciyaariyahanada Lionel Messi iyo Manuel Neuer ayaa qatar ku galin kara Cristiano Ronaldo ku guuleysiga abaalmarinta FIFA Ballon d’Or.

Inkastoo Jimcahii Real Madrid ay si kulul u weerartay madaxweynaha UEFA Michael Platini madama uu ra’yigiisa ka dhiibtay abaalmarintan Ballon d’Or wuxuuna u xagliyay in xidig Jarmal ah uu mudan yahay inkastoo Real Madrid ay arintaas ka xumaatay iyadoo aaminsan in Ronaldo uu yahay shaqsiga u qalma.

Si Kastaba Goal.com, ayaa aqristayaasheeda weydiisay labada shaqsi ee qatarta ku galin kara C. Ronaldo Abaalmarintaan inkastoo uu yahay xidiga ugu cad-cad.

Lionel Messi ayaa helay codadka ugu badan waxaana (4,883) aqriste ay u codeeyeen in Messi uu yahay qatarta ugu xooga badan ee Ronaldo kaga imaan karta loolanka Ballon d’Or, kadib markii xidigaan uu noqday bishaan xidiga ugu goolasha badan labadaba La Liga iyo Champions League taariikhda.

Sidoo kale Manuel Neuer ayaa noqday shaqsiga labaad oo ay ugu codeeyeen waxaana uu helay 37.9%, kadib markii uu Bayern u hogaamiyay iney qaado afar koob sidoo kalana uu xulkiisa la qaaday Koobka Aduunka.

Arjen Robben ayaa helay 21.2%, halka Thomas Muller ay u codeeyeen (591) aqriste, Zlatan Ibrahimovic ayey u codeeyeen (373) aqriste, iyadoo kabtankii Jarmalka Lahm uu helay codad dhan (234).

Ugu dambeyntiina (363) Aqriste ayaa u codeeyay wadarta 16-xidig oo ku jira liiska 23-ka xidig ee u sharaxan abaalmarintaan, waxaana la filayaa in sadexda ugu dambeysa musharaxiinta ay noqon doonaan Messi, Ronaldo iyo Neuer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>