Gool uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta Cesc Fabregas ayaa ka saaciday Blues iney gaarto guul ay u dhibtooday, QPR ayaana guuldaro ku gudoontay gurigeeda.
Chelsea waxey dib ugu laabaneysaa dhibcihii ay ka sareysay Arsenal kuwaas oo ahaa 7-dhibcood, waxaana xusid mudan iney kulan baaqi ah heysato.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi xamaasad leh iyadoo Blues ay dooneysay iney bilowga ciyaarta ka naxsato QPR, halka kooxda martida loo ahaa qudheeda ay muujisay adeeg.
Ivanovic ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Blues markuu uu kubad daciif ah ku tuuray goolka QPR, balse daafaca QPR ayaa iska soo saaray.
Willian ayaa mar kale halis galiyay goolka QPR, markii uu birta ku dhuftay kubad uuba damacsanaa inuu soo dhex dhigo goolka QPR, daafaca ayaana banaanka isaga saaray.
Blues ayaa gashay daqiiqad ciriir ah, markii QPR ay kusoo qaaday weeraro isdaba joog ah, Caulker ayaa ugu dhawaa inuu hogaanka u dhiibo QPR, balse uma noqon oo Terry ayaa ka saaray kubad isaga ku socotay.
Charlie Austin ayaa tijaabiyay goolka Chelsea markii uu kubad awood leh ka tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa, balse goolhaye Courtios ayaa iska saaray.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro gool la’aan ah, iyadoo Blues ay si weyn u tabtay Diego Costa oo dhaawac kaga maqnaa.
QPR ayaa lasoo baxday waji aan qeybtii hore ka muuqan iyadoo dhowr jeer halis galisay goolka Chelsea, Philipps ayaa horaantii qeybta labaad kubad qatar aheyd goosha Blues ag mariyay inkastoo uu kubada ku caawin rabay Austin.
Philipps ayaa mar kale helay kubad qaali ah isagoo ku sugan xerada ganaaxa, balse kubadii uu goolka aadiyay goolhaye Courtios ayaa si fiican isaga badbaadiyay.
Blues oo amakaaagsan isla markaana ay kubad badan oo halis ah kaga imaanayaan QPR mar kaliya heshay gool hogaanka u dhiibay daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta Fabregas ayaana ansixiyay.
Eden Hazard ayaa si qurux badan ula ciyaaray Oscar, kas oo isna si tartiib ah mar kale Hazard farta uga saaray xidiga reer Belgium ayaana kubada u dhiibay Fabregas oo kubad joog hoose ah ka hoos bixiyay goolhaye Green.
Natiijada ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 0-1, oo ay guusha ku raacday Blues oo marti ku aheyd guriga QPR, guushaan ayaana ka saaciday Blues iney adkeysato hogaanka horyaalka EPL-ka.