31-jirka lagu magacaabo Jefferson ayaa ku guuleestay inuu rigoore ka celiyo Lionel Messi kulankii xulka Brazil 2-0 ku dubteen dhigooda Argentina wuxuuna ku muteestan goolhayahan amaan balaarn geesinimadii uu muujiyay.
Hadaba Jefferson ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna la wadaagay arinka u sahlay inuu Messi rigoore ka bad baadiyo wuxuuna yiri “Daraasad ayaan ku sameeyay qaabka uu Messi rigoorada u tuuro waayo marar badan ayaan daawaday asigoo goolku laad tuuraayo”
“waan sugay ilaa uu kasoo tuurto rigoorada, isagana wuxuu kubada u laaday dhinaca uu ugu jecel yahay aniga halkaas ayaan isku sii tuuray madaama aan ogaa sida uu Messi kubadaha u laado!”
Lionel Messi wuxuu qasaariyay rigooradiisii 13-aad heer naadi iyo heer qaran waxaana lagu amaanay goolhaye Jefferson kartida uu muujiyay.
Sidoo kale geesinimada uu Jefferson muujiyay waxaa ka hadlay halyee Taffarel oo horey xulka Brazil goosha ugu qaban jiray balse haatan ah macalinka tababaro goolhayeyaasha xulka Brazil wuxuuna yiri.
“inta badan rigoorooyinka xidigaha aduunka ugu caansan daraasad ayaan ku sameynaa balse Messi waa xidig labada dhinac kubada u laadi karo bidix ama midig sidaa darteed wey adag tahay in rigoorada laga qabto balse waxaa amaan mudan Jefferson oo kubada sugtay ilaa Messi soo laado!”