Sida ay ku waramayaan warbaahinta Jarmalka goolhayaha kooxda Bayer Leverkusen Bernd Leno ayaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya kooxda Real Madrid.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa raadinaya badalka Iker Casillas, xili sidoo kalana lala xiriirnayo goolhayeyaasha David De Gea iyo Pete Cech, sidoo kalana goolhayaha 23-jirka ah Bayer Leverkusen ayaa lala xiriirinayaa.
“Real Madrid? waa iska warar xan ah, ma xuma iney magaceyga hadal hayaan, balse ma ahi mid soconaya” Ayuu yiri Leno oo la hadlayay warsidaha The Bild
Si kastaba Bernd Leno ayaa doonaya inuu kooxdiisa Leverkusen iska sii joogo isla markaana sameeyo hormar intaas ka badan.
Ugu dambeyntii Madrid ayaa u baahan iney hesho goolhaye badal u noqda Iker Casillas inkastoo uu Navas ku sugan yahay kooxda.