Goolhaye David De Gea ayaa muujiyay geesinimo markii ay soo baxeen warar hoose oo sheegaya in Manchester United ay la saxiixaneyso Victor Valdes oo suuqa yurub si xor ah ku jooga kadib markii uu Barcelona isaga tagay dhamaadkii xagaagii lasoo dhaafay.
David De Gea ayaa ka dhaawacmay farta xili uu tababarka Spain ku gudajiray, xili goolhaye Valdes uu haatan tababar xor ah uu la qaadanayo kooxda Manchester United.
Lama hubo inuu De Gea ka qeyb qaadan doono kulanka culus ee Sabtida ay Arsenal la ciyaarayaan, waxaana jira warar daciif ah oo United la xiriirinaya saxiixa Valdes.
24-jirkaan heerka caalami ayaa aaminsan in Valdes uusan booskiisa Manchester United qatar ku aheyn sida uu ugu waramay jariiradda As ee Spain fadhigeedu yahay.
“Haa, qandaraaskeyga wuxuu dhamaanayaa 2016, balse ilama aysan saxiixan, Victor waxaa gaaray dhaawac culus, wuxuu soo maray waqti xun, macalinka wuu yaqanaa isaga, waxana la siiyay hadda waqti uu kusoo kabto” ayuu De Gea u sheegay As.
“Victor wuxuu la tababartaa Man United, balse maahan 100% mid taam ah”
“Van Gaal aad ayuu u yaqaanaa Valdes waayo wuxuu xaadir ahaa markii uu Barcelona kusoo caan baxayay”
Ugu dambeyntii David De Gea wuxuu qiray inuu ka adag yahay booskiisa isla markaana garoomada kusoo laaban doono waqti dhaw, xili tababare Louis Van Gaal uusan xaqiijin mudada rasmiga ah ee xidigaan iyo hadii uu seegayo kulanka Arsenal.