Home » Maxaa Cusub » Goolhaye David De Gea Oo Hal Shuruud Ku Xiray Sii Joogitaankisa Manchester United

Goolhaye David De Gea Oo Hal Shuruud Ku Xiray Sii Joogitaankisa Manchester United


De Gea 1

Goolhayaha da’da yar ee kooxda Manchester United David De Gea ayaa shuruud ku xiray sii joogitaankiisa kooxda Manchester United xili ciyaareedka soo aadan sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha Spain.

Xidigii hore Atletico Madrid ayaa si ba’an loola xiriirinayay inuu dib ugu laabto magaalada Madrid kadib markii uu dalabyo ka helay kooxda Real Madrid ee dalka Spain taas oo dooneysa iney hesho badalka goolhayaha sii duqoobaya ee Iker Casillas, balse warar soo baxay bishii October ee kal hore ayaa sheegayay in United ay xidigaan heshiis cusub ka saxiixeyso isla markaana mushaarka u laba jibaareyso.

Si kastaba Wararka maanta laga helay warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaya in xidigaan uu ku biiri doono Real Madrid hadii kooxda ay ku fashilanto iney usoo baxdo tartanka Champions League xili ciyaareedka soo aadan.

Real Madrid waxey diyaar la tahay iney bixiso 24 Malyan Oo Pound hadii ay heleyso goolhaye David De Gea, dhanka kale arintaan ayaa cadaadis saareysa kooxda United iyo macalinkeeda Louis Van Gaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>