Goolhayaha kooxda Tottenham Hotspur ahna kabtanka xulka qaranka Faransiiska Hugo Lloris ayaa seegi doona kulamada ay xulkiisa ciyaari doonaa dhamaadka bishaan Maarso.
Goolhayahaan cajiibka ah ayaa laga saaray bilowgii kulankii ay kooxdisia 4-2 ku dhaaftay Leicester City sabtidii kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.
Hugo Lloris waxey isku dhaceen weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy, daqiiqadii labaad ee ciyaarta, taasoo keentay in banaanka loo saaro laguna badalo Michel Vorm.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan mudada uu maqnaanayo hadana macalin Mauricio Pochettino ayaa qirtay in xidigaan ay jilibka wax kasoo gaareen.
Dhaawacaan ayaana keenaya inuu seego kulamada ay xulkiisa Faransiiska la ciyaarayaan Brazil iyo Denmark, 26-ka iyo 29-ka bishaan, macalin Dechamps ayaana u wacaya goolhaye Benoit Costil si uu badal ugu noqdo.