Goolhayaha kowaad ee xulka England iyo kooxda Man City Joe Hart ayaa qirtay in xili cayaareedkan kooxdiisa fashil ku dhameesatay.
Hart ayaa ka xun in Man City xili cayaareedkan ay koob la’aan ku dhameesatay sidoo kalena kooxdisia ayaa ku guul dareesatay inay difaacato Premiership-ka England.
Xidigan oo ka hadlaayo jabkii ku dhacay kooxdiisa wuxuu yiri “Waan ka xumahay inaan xili cayaareedkan ka farxin weenay taageerayaasheena”
“Waxay ahayd arin qasab ah inaan koob muhiim ah ku guuleesano balse midaas waan gaabinay waxaana masuuliyada iska leh dhamaanteena”
Xidigan hormuudka u ah Man City ayaa geeska kale sheegay in kooxdiisa sanadkan ay ka awood badisay Chelsea oo ku guuleesatay horyaalka England.
“Waa run Chelsea ayaa naga awood roonaatay dhan walbo xili cayaareedkan waxaana ku guul dareesanay inaan loolan adag la galno Chelsea”
“Waa muhiim inaan cashar ka barano xili cayaareedkan sidoo kalena aan saxno qaladaadkii aan galnay madaama Man City ay tahay koox awood badan lagana rabo inay xili cayaareed walbo koob ku guuleesato”
Ugu dambeyntii Joe Hart ayaa taageerayaasha kooxdiisa ka balan qaaday inay xili cayaareedka dambe soo laba kacleyn doonaan sidoo kalena ay koobab muhiim ah ku guuleesan doonaan.