Home » Horyaalada » Bundesliga » Goolhaye Manuel Neuer Oo Dhaawac Awgiis Xulka Jarmalka Isaga Baxay Ka Hor Kulanka Australia

Goolhaye Manuel Neuer Oo Dhaawac Awgiis Xulka Jarmalka Isaga Baxay Ka Hor Kulanka Australia


Manuel Neuer

Goolhayaha kowaad ee xulka Jarmala Manuel Neuer ayaa gabi ahaanba xarunta tababarka xulkiisa isaga tagay kadib markii uu dhaawac cusub soo gaaray.

Neuer ayaa la sheegay in jilibkiisa midig uu barar kaga jiro sidoo kalena halis lagu galin doonin inuu caawo xulka Jarmalka u cayaaro kulanka saaxiibtinimo oo ay wajihi doonaan xulka Australia.

Macalin Low oo ka hadlaayo xaalada Neuer wuxuu yiri “Manuel dhaawac dhanka jilibka ah ayaa asiibay balse ma ahan mid weyn kaliya barar ayaa kaga jiro”

“Sidaa darteed nasiino ayaan siinay si aan xaaladiisa halis loo galinin”

Balse lama xaqiijinin in Neuer uu seegi doono kulanka isreeb reebka Euro 2016 oo ay xulka Jarmalka sabtiga la cayaari doonaan xulka Georgia.

Dhanka kale macalin Low ayaa shaaca ka qaaday inuu caawo cayaarsiin doono Holger Badstuber iyo Ilkay Gundogan madaama labadan xidig dhaawacyo kasoo kabteyn sidoo kalena ay dib ugu soo laabteen xulka Jarmalka mudo dheer kadib.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>