Home » Maxaa Cusub » Goolhaye Pepe Reina Oo Aaminsan In David De Gea Uu Ku Faraxsan Yahay Manchester United

Goolhaye Pepe Reina Oo Aaminsan In David De Gea Uu Ku Faraxsan Yahay Manchester United


Reina

Goolhayihii hore xulka Spain iyo kooxda Liverpool, haatana u ciyaara kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka Pepe Reina ayaa aaminsan in goolhaye David De Gea uu ku faraxsan yahay nolosha garoonka Old Trafford xili xidigaan si ba’an loola xiriirinayo kooxda Real Madrid.

24-jirkaan ayaa ku jira waqtigiisii ugu fiicnaa kubada cagta, madama uu noqday badbaadiyaha kaliya ee kooxda Louis Van Gaal, balse kooxda uu maamulo Ancelotti ayaa si ba’an u dooneysa iyadoo rajo ka qabta iney badal uga dhigto Iker Casillas.

Si Kastaba Reina ayaa ku booriyay xidigaan reer Spain inuu iska sii joogo kooxda Manchester United oo ah halka lagu bartay awoodiisa.

“Waa mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan dunida waqtigaan, sanadkaana wuxuu sameeyay wax qaas ah” ayuu Reina u sheegay talkSPORT.

“Laga yaabee iney Real Madrid aad u baadi goobeyso, balse waxaan dareensanahay in David De Gea uu ku faraxsan yahay joogitaanka Manchester United” Ayuu yiri mar kale.

Ugu dambeyntii De Gea ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa, iyadoo heshiiska uu naadiga kula jiro uu dhacayo June 2016.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>