Home » Maxaa Cusub » Goolhaye Peter Cech Oo Noqon Doona Goolhayihii Ebid Ugu Mushaarka Badnaa Taariikhda Gunners Hadii Heshiiska La Dhameestiro

Goolhaye Peter Cech Oo Noqon Doona Goolhayihii Ebid Ugu Mushaarka Badnaa Taariikhda Gunners Hadii Heshiiska La Dhameestiro


Chelsea v Sunderland - Barclays Premier League

Arsenal ayaa rajeyneysa iney soo afjarto saxiixa Peter Cech maalama soo aadan iyadoo xidigaan mushaar ahaan u siin doonta isbuucii 100,000 kun Pound taasoo ka dhigan tiro 10 ka badan mushaarkii uu Blues ka qaadanayay oo ahaa 90,000 kun Pound.

Sida ay qortay telegraph hadii heshiiskaan la dhameestiro isla markaana uu Emirates kasoo dago Peter Cech wuxuu noqon doonaa goolhayihii ugu mushaarka badnaa ebid taariikhda kooxda Gunners.

Dhanka kale Paris Saint Germain ayaa u taagan Peter Cech iney siin doonto mushaar dhan 150,000 kun oo Pound balse xidigaan ayaa doonaya inuu magaalada London baaqi kusii ahaado waana sababta ugu weyn oo xidigaan uu Arsenal ugu biirayo.

Jose Mourinho ma doonayo in Peter Cech uu ka hor yimaado wuxuuna doorbidayaa in laga iibiyo kooxo dibada ah sida Paris Saint Germain, balse Roman Abramovic ayaa ku adkeysanaya inuu oofiyo balantii uu ka qaaday halyeeygan reer Czech Republic taasoo aheyd inuu ka iibinayo kooxdii uu isaga doonayo.

Ugu dambeyntii Peter Cech wuxuu la mushaar noqonaya Theo Walcott iyo Aaron Ramsey oo ka mid ah wiilasha ugu muhiimsan kooxda Arsene Wenger.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>