Home » Maxaa Cusub » Goolhaye Petr Cech Oo Maanta Caafimaadka U Mari Doona Kooxda Arsenal

Goolhaye Petr Cech Oo Maanta Caafimaadka U Mari Doona Kooxda Arsenal


Cech..21

Sida ay tilmaantay Sky Sports kooxda Gunners ayaa la filayaa iney soo afjarto saxiixa goolhayaha halyeyga ah ee kooxda Blues Petr Cech dhawaan waxaana lasoo wariyay in maanta uu xidigaan caafimaadka u mari doono kooxdan ka dhisan waqooyiga London.

Sky Sports ayaa ogaatay todobaadkii hore in labada kooxood ee Chelsea iyo Arsenal ay ku heshiyeen aduun dhan 10.9 Malyan Oo Pound, sidoo kalana waxey sheegeen in Petr Cech uu heshiis shaqsi ah la gaaray Arsenal.

Halyeeygaan Chelsea wuxuu qandaraas 3-sano ah qalinka ugu duugi doonaa Arsenal isagoo todobaadkii qaadan doona lacag dhan 100,000 kun pound wuxuuna noqon doonaa goolhayaha ebid ugu mushaarka badan taariikhda kooxda Gunners.

Petr Cech in ka badan 300 kulan ayuu u saftay kooxda ka dhisan galbeedka London wuxuuna kula guuleystay 4-horyaal oo EPl ah, 4 FA Cup, 3 League Cup, 1 Champions League iyo 1 Europa League, wuxuuna kooxda ku sugnaa 11-sanadood.

Ugu dambeyntiina Petr Cech wuxuu Chelsea yimid sanadii 2004 isagoo markaas kaga yimid kooxda Rennes ee dalka Faransiiska.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>