Sky Italia aya si rasmi ah u baahiyay in kooxda Man United ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay goolhayaha reer Argentina Sergio Romero.
Xidigan haatan waa xor madaama qandaraaskii uu naadiga Sampadoria kula jiray uu dhamaaday xagaagan sidoo kalena wuxuu awood u leeyahay naadigii uu doono inuu heshiis la gaaro.
Sidaa darteed dalabka Man United ayuu aqbalay inkastoo uu dalabyo kala duwan ka heestay kooxaha Real Madrid, Valencia, Fiorentina iyo kuwo kale.
Sky Italia ayaa sheegay in Sergio Romero uu haatan xarunta Man United ku sugan yahay sidoo kalena kooxdan faca weyn uu tijaabo caafimaad u mari doono.
28-jirkan ah goolhayaha kowaad ee xulka Argentina ayaa buuxin doono booska goolhaye Victor Valdes oo Man United laga fasaxay madaama ay isku dhaceen macalin Luis Van Gaal.
Dhinaca kale kooxda Man United ayaa sheegtay inaysan isaga harin loolanka loogu jiro daafaha kooxda Everton John Stones inkastoo saxaafada England shalay baahisay inuu ku dhaw yahay ku biiritaanka kooxda Chelsea.
21-jirkan tayada wanaagsan diyaar ayuu u yahay inuu Everton isaga hayaamo balse weli ma uusan kala dooranin kooxaha Man United iyo Chelsea waana mida sii hurin doonto loolanka loogu jiro saxiixiisa.