Kooxda Chelsea ayaa ku dhibaatooneyso sidii ay goolhayaheeda kowaad ugu celin laheyd garoonka Stamford Bridge.
Waayo Thibaut Courtois ayaa doonayo inuu dib ugu laabto La Ligaha Spain mana ku faraxsano inuu ka hoos cayaaro macalin Jose Mourinho.
Shabakada Standrad Sport ayaa sheegtay in Thibaut Courtois uu dhowr bil ka hor go’aan qaatay balse ay kooxdiisa Chelsea ka hor istaagtay inuu arinkan banaanka soo dhigo.
Haatan Thibaut Courtois ayaa maamulka Chelsea u sheegay inuusan rabin ku sugnaaan shaha Galbeedka London sidoo kalena wakiilkiisa ayuu ku wargaliyay inuu wada hadalo la furo kooxda Real Madrid.
Goolhaye reer Belgium ayaa kooxdiisa Chelsea ku qasbi doono xagaagan inay wada hadalo la furto Real Madrid sidoo kalena loo ogolaado ku laabashada La Ligaha Spain.
Balse Standard Sport ayaa sheegay in Real Madrid ay haatan wada hadalo la wado goolhaye David De Gae sidaa darteed goolhaye Thibaut Courtois mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu noqon doonaa mid aan meel u dhicin ilaa uu suuqa Yurub ka xirmo.
Macalin Jose Mourinho oo sanadkii hore xidigan siiyay kalsooni balaaran kama hadlin arinkan madaama tababarah uu u aaday arinkan xaalkiisa maamulka Chelsea.