Goolhaye Victor Valdes ayaa ku sugnaa xarunta tababarka kooxda Man United Carrington 6-todobaad ee
ugu dambeesay wuxuuna goolhayahan waaya araga ah u muuqdaa inuu kasoo kabtay dhaawacii dhanka
jilibka uu ka qabay.
Madaama Valdes uu koox la’aan yahay kuna guuleestay inuu xidigaha Man United tababarka la qaato
hadana xidigan weli uma suura galin inuu kooxdan heshiis rasmi ah la gaaro kana mid noqdo xidigaha
garoonka Old Trafford mushaaraadka ka qaataan.
Wargeska El Mundo Deportivo ayaa sheegay in Valdes uu bilawgii todobaadkan dib ugu laabtay
magaalada Barcelona si uu qoyskiisa waqti ula qaato wuxuuna goolhayahan ka dhawaajiyay inuu United
tababarka lasii qaadan doono.
Kuna rajo weyn yahay inuu macalin Van Gaal heshiis cusub ka saxiio, wargesyada gudaha dalka England
ayaa sheegayo in United ay Valdes gacmo furan kusoo dhaweesay.
Balse United kuma deg degi doonto inay heshiis cusub ka saxiixdo madaama weli dhaawaciisa la hubin
inuu si taam ah uga bogsaday waayo mudo 9-bilood ka badan ayuu garoomada Valdes ka maqnaa.
Sidaa darteed goolhayihii hore ee kooxda Barcelona tababarkiisa ayuu iska sii wadan doono asigoo ku
hami weyn inuu United si rasmi ah uga mid noqdo todobaadyada nagu soo fool leh.