Goolhayaha reer Bosnia Romeo Mitrovic ayaa qaatay go’aan waali ah markii uu garsoore u feeray si waali ah kulan ka tirsan horyaalka heerka labaad ee dalka Bosnia.
Garsooraha ayaa xidigaan ku abaalmariyay Jaale isagoo doonayay inuu ku xakameeyo, balse goolhaye Romeo Mitrovic ayaa si toos ah u beegsaday goolhayaha kaas oo feeray inkastoo garsooraha uu si deg-deg ah kaga dhaqaajiyay goolhayaha agtiisa.
Wey dhacaan marar badan sheekooyinkaan oo kale, waxaana inta badan lagu tilmaamaa goolhayayaasha iney yahiin kuwo badankood waalan waana kuwa sameeya sheekooyinka nuucaan oo kale ah badi.
DAAWO MUUQAALKA: