Goolhayaha reer Poland ee kooxda Arsenal Wojciech Szczesny ayaa lagu sawiray isagoo sigaar cabaya magaalada Warsaw ee dalkiisa hooyo.
Waxaa laga joogaa shan bilood markii ugu dambeysay xidigaan oo falkaan lagu arkay waxeyna aheyd maalintii sanadka cusub kulan ay Gunners 2-0 guuldaro ah kala kulantay Southampton kulan ka tirsan Horyaalka Ingiriiska.
Waqtigaas wuxuu ku sugnaa Suuliga Qubeeska Qolka Labiska kooxda iyadoo Wenger uu aad uga carooday wuxuuna ganaaxay xidigaan lacag dhan 20 kun Pound.
Tan iyo markaas xidigaan wuxuu galay kursiga keydka, balse arinkaan ayaa haatan kusoo aadaya xili xidigaan mustaqbalkiisa kooxda aan la hubin halka uu ku dambeyn doono.
Wojciech Szczesny wuxuu ku sugan yahay Polland isagoo isku diyaarinaya kulanka ay xulkiisa la yeelan doonaan Georgia isreeb-reebka koobka Euro 2016.
Ugu dambeyntii lama oga hadii Wenger uu xidigaan iska dirayo inkastoo uusan jecleen dhaqamadaan foosha xun.
DAAWO SAWIRADA: