Goolhayaha kooxda Borrusia Monchengladbach Marc-Andre ter Stegen ayaa shaaca ka qaaday inuu go’aansan doono hadii uu joogayo iyo hadii uu ka tagayo kooxdiisa maalmaha soo aadan.
Xidigaan gool qabashada ku wanaagsan ayaa lala xiriirnayay kooxda Barcelona balse wiilkaan maanta la hadlay wargeyska The Bild
21-jirkaan ayey Barcelona dooneysay iney ku badasho Valdes oo goor hore xaqiijiyay inuu xagaagan ka dhaqaaqi doono Camp Nou waxeyse ku qasban tahay iney ka war dhowrto go’aanka xidigana.
“Ma sheegi karo hadii aan Barcelona ku biiri doono, waxaan la kulmi doonaa Madax naadiga Max Eberl iyo sidoo kale isku dubaridaha naadiga Stephan Schippers waxaana kala hadli doonaa mustaqbalkeyga iyo wax walba”
“Go’aan ayaana gaari doonaa kulankaas kadib maalmaha soo aadan, dhamaan wax walba oo ah joogitaan iyo inaan aadayo Barcelona waan kala cadeyn doona”
Ugu dambeyntii Gladbach ayaa aaminsan in Marc-Andre ter Stegen uusan ku niyad sameyn naadiga isla markaana uu go’aansan doono inuu aado La Liga kuna biiro Barcelona.
Waxaa Aqrisay: (126)
Mogadishu - Somalia