Home » Europe » Champions League » Goolhayihii Hore Bayern Munich Jean-Marie Pfaff Oo Aaminsan In Barcelona Ay Ku Tiirsan Tahay Lionel Messi

Goolhayihii Hore Bayern Munich Jean-Marie Pfaff Oo Aaminsan In Barcelona Ay Ku Tiirsan Tahay Lionel Messi


Jean-Marie Pfaff (foto: Cees Zorn/GPD)

Inkastoo ay tahay sheeko lala qabo hadana Barcelona xagaagan waxey ku socotaa xaalad sare madama ay heysato weeraryahano lagu mideeyo magaca MSN waxaana hogaamiye u ah Lionel Messi, goolhayihii hore kooxda Bayern Munich Jean-Marie Pfaff ayaana Bayern uga digay halista Lionel Messi.

Bayern Munich waxey 6-1 ku xasuuqday Porto oo lugtii hore kusoo adkaatay 3-1, xili Barcelona ay 5-1 isku cel-celis kusoo martay kooxda Paris Saint Germain.

Si kastgaba Pfaff oo u ciyaaray kooxda Bayern intii u dhaxeysay 1982 ilaa 1988, ayaa qaba in Bayern ay mar kale xasuuqi karto kooxda Barcelona hadii ay meel saaraan Lionel Messi.

“Barcelona waa koox weyn sida aan qabo, balse Bayern Munich ayaa ka xoogan marka la fiiriyo isku tiirsanaanta” ayuu yiri Jean-Marie Pfaff.

“Hadii Messi aysan maalin fiican u aheyn, waa Barcelona oo barkeed aan fiicneen”

Labada kooxood ayaa Camp Nou ku ciyaari doona horaanta bisha May halka bartamaha May ay ku ciyaari doonaan garoonka Allianz Arena.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>