Peter Crouch ma ahan xidig maalin walbo saxaafada soo jiito sidoo kalena ma ahan cayaaryahan sameeyo ficilo uu saxaafada ku kasbanaayo.
Balse waxqabadkiisa xidigan ayaa ah mid aad u sareeyo kaasi oo sababo inuu inta badan ciwaanada saxaafada kubada cagta lagu soo hadal qaato.
Hadaba Crouch kulankii ugu dambeeyay ee uu kooxdiisa Stoke u cayaaray wuxuu ka bad baadiyay guuldaro kulan ay 1-1 la galeen naadiga New Castle.
Crouch ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 90-aad wuxuuna goolka ku dhaliyay madaxa weliba si aad u qurxoon ayuu xidigan goolka u dhaliyay.
Hadaba ruug cadaagan goolka uu dhaliyay ayaa u sahli rabo inuu jebiyo rikoor qiimo badan oo mudo dheer u yiilay Premiership-ka England.
Crouch goolkiisii 44-aad ayuu madaxa ku dhaliyay wuxuuna haatan labo gool oo qura ka hooseeyaa Alan Shearer oo 46-gool madaxa ku dhaliyay Premiership-ka England waana rikoor halyeegan mudo dheer u yiilay.
Hadaba Crouch kaalinta 3-aad ayuu ku jiraa waxaana weli ka horeeyo Dion Dublin oo isagana 45-gool madaxa ku dhaliyay balse Crouch fursada weyn ayuu heestaa madaama uu weli garoomada ku jiro.
Guud ahaan hoos kaga bogo 10-ka xidig ee goolasha ugu badan madaxa ku dhaliyeen Premiership-ka England:
| Cayaaryahan | Goolasha Uu Madaxa Ku Dhaliyay |
| Alan Shearer | 46 |
| Dion Dublin | 45 |
| Peter Crouch | 44 |
| Les Ferdinand | 40 |
| Dwight Yorke | 38 |
| Teddy Sheringham | 36 |
| Duncan Ferguson | 36 |
| Tim Cahill | 31 |
| Robbie Fowler | 28 |
| Andrew Cole |
27 |