Goolkii cajiibka lahaa ee uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay Liverpool lugtii hore ee Champions League-ga ayaa loo doortay inuu ahaa goolkii ugu quruxda badnaa tartanka isbuucaas.
Weeraryahanka reer Portugal ayaa si qurux badan u dhameystiray kubad qurux badan oo joog sare ku socotay oo uu ka helay wiilka dahabiga ah ee reer Colombia James Rodriguez.
Goolkaas uu Ronaldo dhaliyay ayaa ka dhignaaday kii 70-aad oo uu xidigaan heerka caalami ka dhaliyo Champions League, wuxuuna kaliya hal gool u jiraa inuu jabiyo rikoorka Raul Gonzales ee ah xidiga ugu goolasha badan Champions League-ga.
Kulankaas ka dhacay Anfield wiilasha Ancelotti wuxuu ku badiyeen 3-0, inkastoo talaadada ay Liverpool booqaneyso garoonka Santiego Bernabeu, kulanka afaraad ee wareega groupyada.