Home » Maxaa Cusub » Goorma Ayuu Raheem Sterling Caafimaadka U Mari Doonaa Manchester City? Sky Sports Ayaa Fahantay

Goorma Ayuu Raheem Sterling Caafimaadka U Mari Doonaa Manchester City? Sky Sports Ayaa Fahantay


Sterling 33

Raheem Sterling ayaa kusii dhawaanaya inuu ku biiro kooxda Manchester City kadib markii Liverpool kala heshiiyeen qiimaha xidigaan heerka caalami ee xulka England.

20-jirkaan ayaa noqon doona xidigii ugu qaalisanaa ebid ee British ah kaas oo ay iibsato koox ka dhisan horyaalada waaweyn madama ay Man City ku qaadaneyso 49 Malyan Oo Pound.

Sterling ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Anfield madama uu diiday heshiis cusub oo ay uso bandhigeen kaas oo uu isbuucii qaadan lahaa 100,000 kun pound.

Xidigaan reer England ayaa shalay ka haray kooxda Liverpool ee u duushay Bangkok, madama ay Liverpool aqbashay dalabkii sadexaad ee Manchester City madama ay laba dalab horay uga diiday.

Si kastaba Sky Sports ayaa shaacisay in Sterling uu maanta caafimaad u mari doono Manchester City ka hor inta uusan heshiis qalinka ugu duugin.

Ogow in Liverpool ay sanadii 2010 xidigaan kasoo dhex baxsatay akadeemiga lagu barbaariyo ciyaartoyda kooxda QPR.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>